Laba Arimood Oo Fudeydisay In Golaha Amaanku Oo Cunaqabateyntii Hubka Ka Qaadaan Dalka Eretria

0
543

Laba Arimood Oo Fudeydisay In Golaha Amaanku Oo Cunaqabateyntii Hubka Ka Qaadaan Dalka Eretria

New York (Dalmar-News):- Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

Eritrea ayaa xayiraadahani lagu soo rogay sagaal sano ka hor, xilligaasi oo lagu eedeeyay in ay taageerto mintidiinta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya.

Qaraar qabyo ah oo ay Britain hor dhigtay Qaramada Midoobay ayaa sheegayay in kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada arrintaas ay ku guul darraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay.

Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka.

Dhawaan ahay ahayd markii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay kulan ku yeesheen magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay kaga wada hadleen heshiisyadii ay ku kala saxiixdeen Asmara.

Waxyaabihii inta badan kulanka ka dib laga hadlayay waxaa ka mid ah arrinta la xiriirta suuragalnimada ah inay midoobaan dalalkan mustaqbalka.

Waxaa sidoo kale soo baxay sawirrada madaxweyneyaasha Soomaaliya , Eritrea, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo aad isugu dhaw oo wadahadlaya.

Haddaba su’aasha la isweydiin karo ayaa ah “shacabka dalalkan ma yihiin kuwo sidaasi isugu dhawaan kara marka ay timaato midnimada iyo ka shaqaynta nabadda”?

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlayay munaasabad ay ku qalin jebinayeen ardayda jaamacadda ku taalla magaalada Bahr Dar ayaa sheegay inuu rajanayo “mustaqbalka in dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeeshaan hal madaxweyne”.

Isbadalka maamul ee ka dahcay dalka Itoobiya oo ay colaad 20 sano kala dhaxeysay Eritrea ayaa sahlay in hadda xayiraadihii laga qaado xukuumadda Asmara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here