Kooxda Boko Xaraam oo dad badan ku laayay aas ka dhacayay gobolka Borno

0
470

Kooxda Boko Xaraam oo dad badan ku laayay aas ka dhacayay gobolka Borno

La tuhmayaal ka tirsan Ururka Boko Xaraam ayaa 65 ruux ku dilay aas ka dhacay gobolka waqooyi bari ee Nigeria ee Borno, sida ay sheegeen sargaal ka tirsan ciidanka Amniga.

Meydadka dhowr ruux ayaa laga soo qaaday goobta kadib weerarkii axadii shalay lagu qaaday magaalada caasimada u ah gobolka ee Maiduguri.

Gudoomiyaha dowlada u qaabilsan deegaanka Maxamed Bulama ayaa sheegay in 10 ruux ay ku dhimatay halka meydka uu gaarayo 65 Ruux.

Bulama ayaa intaa ku daray in weerarkaan uu la xiriiro kadib 11 dagaal-yahan oo ka tirsan Boko Xaraam oo Isbuucii hore dadka deegaanka ay Dileen.

Weerarka ay soo qaadeen kooxda Boko Xaraam ayaa dhanka kale waxaa looga furtay 10 qori oo ay Wateen.

Si kastaba ha ahaatee weerarkaan lagu laayay dadka rayidka ah ayaa Imaanaya iyadoo shacabka ku dhaqan gobolka Borno ay bilaabeen dadaalo ay isaga difaacayaan Ururka Boko Xaraam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here