Kolonyo ka tirsan AMISOM oo qarax miino lagula eegtay Muqdisho

0
443

Kolonyo ka tirsan AMISOM oo qarax miino lagula eegtay Muqdisho

Kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa saaka qarax miino lagula eegtay agagaarka Isgoyska SOS ee degmada Huriwaa, halkaasoo ay marayeen, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu haleelay mid ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM, waxaana qaraxa kaddib la maqlay rasaas fara badna oo ay fureen Ciidamada AMISOM.

Ugu yaraan labo ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen qaraxa oo ka ag-dhowaa goobta, waxaana la ogeyn khasaaraha soo gaaray Ciidamada AMISOM.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa lagu kala cararay, waxaana durba goobta gaaray Ciidamo kale oo AMISOM oo u gurmaday ciidanka la qarxiyay.

Isgoyska SOS illaa Suuqa Xoolaha ayaa dhowr jeer oo hore lagu weeraray Ciidamada AMISOM, waxaana qaraxa lagu weeraraa gaadiidka ciidamada wataan, maadaama ay saldhig ku leeyihiin Xerada Maslaxa ee duleedka Suuqa Xoolaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here