Khilaaf Xooga Oo Soo Kala Dhex-Galay Midowga Yurub Iyo Itoobiya

0
358

Khilaaf Xooga Oo Soo Kala Dhex-Galay Midowga Yurub Iyo Itoobiya

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta Midowga Yurub u go’aansaday in uu joojiyo kormeereyaal ay u diri lahaayeen doorashada Baarlamaanka ee shanta bisha June ee soo socota ka dhici doonta dalka Ethiopia.

Nabila Massrali ayaa u sheegtay VOA in Ethiopia ay diiday inay buuxiso shuruudaha gundhigga u ah geynta kormeereyaasha goobaha doorashooyinka, oo ay ku jirto madax-bannaanida ergada.

Waxay sidoo kale sheegtay in Ethiopia ay diiday in howlgalka Midowga Yurub uu la yimaado qalab isgaarsiineed oo u gaar ah oo ay ku jiraan telefoonada satellite-ka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa toddobaadkan sheegay in aan loo baahnayn taleefoonada dayax gacmeedka, wuxuuna sababta ku sheegay in goob kasta oo doorasho laga heli karo hab isgaarsiineed oo hoosyimaada nidaamka Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana ay midowga Yurub isticmaali karaan.

“Waa wax laga xumaado in Midowga Yurub aanu heli damaanad-qaadkii lagama maarmaanka u ahaa astaamaha dimoqraadiyadda ee loo fidin lahaa shacabka Ethiopia. Hufnaanta kormeereyaasha doorashada ayaa udub-dhexaadka midowga Yurub” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay Guddiga Doorashooyinka Ethiopia ay ugu deeqeen 20-milyan oo lacagta Yurub ah, si dowladda Ethiopia u diyaariso doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here