Khilaaf Ka Taagan Calanka Itoobiya + Raysal Wasaaraha iyo Jabhadda Oromada oo Isku Raacsan In La Bedelo.

0
703

Khilaaf Ka Taagan Calanka Itoobiya + Raysal Wasaaraha iyo Jabhadda Oromada oo Isku Raacsan In La Bedelo.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo qaar ka mid ah warbaahinta dalka la hadlay ayaa wuuu sheegay in calanka dartii aan loo baahneen iney rabshado iyo iska horimaadyo dalka uga dhacaan.

Bilihi la soo dhaafay muwaadiniinta dalka Itoobiya waxay bannaan baxyada ay sameeynayeen u adeegsanayeen calamo kala duwan oo isugu jira kan dalka oo dhowr nooc ah.

Maalinti shalay ahaydna waxaa magaalada Addis Ababa isku gacan qaaday taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF iyo dhalinyara ka soo horjeedda. Taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF oo isku dayay calanka dalka meela uu ku buufsanaa iney ku beddelaan calanka jabahadda OLF ay leedahay halkaasina iska horimaad uu ka dhashay.

Booliska dalka Itoobiyana waxay sheegeen iney jiraan dhaawacyo rabshadahaasi ay sababeen.

Sabtida ayaa lagu wadaa iney jabhadda OLF in magaalada Addis Ababa si rasmi ah looga soo dhaweey. Dr Abi Axmed wuxuu sheegay calanku inuu yahay astaan uu dal ama xisbi siyaasadeed uu u adeegsado in lagu aqoonsado, cid walbana waxay xaq u leedahay iney aragtida siyaasadeed ee ay aminsan tahay ay si xor ah u soo bandhigto, xorriyaddaasina waxaa ka mid ah calanka.

Mareykankaba wuxuu calankiisu beddelay ilaa iyo 13 jeer marka Itoobiyana haddii ay muwaaddiniintu dalka raalli ka noqdaan waa la beddeli karaa.

wuxuu ra’isal wasaaruhu sheegay “in loo baahan yahay in laga fikiro oo keli sidi aan dalka horumar u gaarsiin laheen, noolasha dadkana aan wax uga beddeli laheen”.

“mana aha inaan ku mashquulno waxyaabo aan dalka wax ku soo kordhineyn oo weliba burbur u horseedi kara”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here