Khasaare ka dhashay weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay dalka UK

0
50

Khasaare ka dhashay weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay dalka UK

Ugu yaraan sideed qof ay ku dhaawacmay kaddib markii nin toorey uu weerar dad shacab ah oo ku sugnaa guri ku yaalla gudaha guri ku yaalla degmada Southport ee , oo u dhow Liverpool ee waqooyi-galbeed ee England.

Saraakiisha gargaarka deg dega ayaa soo gaaray goobta, waxaana halkaasi laga qaaday dadka dhaawacyada ah oo kuwo xaaladooda culus tahay kamid yihiin.

Sidoo kale, booliiska waxaa ay sheegeen in ay qabteen ninka weerarka geystay, isla markaasna ay ku socdaan baaritaano, dhawaana maxkamadda la horgeyn doono.

Falkaan ayaa waxaa cambaareeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka UK Keir Starmer oo ku tilmaamay mid aad looga naxo.