Khasaare ka dhashay Gantaallo lagu garaacay saldhigyo Mareykanku leeyahay.

0
132

Maalmihii la soo dhaafay diyaarado aan duuliyaha lahayn ayaa gantaallo ku garaacayay saldhigyo milatari oo Ciraaq iyo Suuriya ku yaalla kuwaas oo ay ku dhaawacmeen 21 askari oo Maraykan ah, sida laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.

Askartaan waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, in kasta oo wararka qaar sheegayaan in qof shaqaale rayid ahaa uu dhintay.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa isbaheysiga ayaa ugu yaraan 12 jeer lagu weeraray Ciraaq iyo afar jeer oo Suuriya ah, tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Saraakiisha Mareykanka ayaa weeraradan u aaneynaya kooxaha ay tagaeerto Iran ee ka howlgala gobolka. Iran ayaa ku taageerta Xamaas iyo Xisbullah hub iyo sidoo kale dhaqaale

Mareykanka ayaa waxaa Suuriya ka jooga ilaa 900 oo askari, halka 2,500 ay ka joogaan dalka ay jaarka yihiin ee Ciraaq. Khamiistii, Mareykanka ayaa sheegay in 900 oo askari oo dheeraad ah ay geeyeen gobolka.

Mar sii horeysay, Aqalka Cad ayaa sheegay in Joe Biden uu uga digay Iran inay beegsato shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, isagoo fariin dhif ah u diray hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatullah Ali Khamenei.

Isha BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here