khasaare ka dhashay dagaalka Buulo mareer ku dhexmaray ATMIS & AS.

0
172

khasaare ka dhashay dagaalka Buulo mareer ku dhexmaray ATMIS & AS.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dhimasho, dhaawac iyo mid hanti ee ka dhashay dagaal saakay ‘AS’ ay ku qaadday saldhig ciidamada Midowga Afrika ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin Magaalada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose DG Koofur Galbeed.

Ugu yaraan 6 ruux oo ah kala ah Rayid iyo dhinacyada dagaalamay ayaa geeriyootay halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay, ilo deegaanka ah ayaa Mustaqbal u sheegay in saddex qof oo dadka deegaanka ah ay ku dhaawacmeen rasaas ku haleeshay goobo kala duwan.

Ciidamo gurmad ah oo katirsan howlgalka Midowga Afrika ATMIS ayaa gaaray Magaalada Buulo Mareer si ay usoo qaadaan ciidamada dhaawaca soo gaaray, kuwa dhintay iyo in ay soo jiidaan gaadiidka waxyeellada gaartay.

Ilo kale ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ay gurmad siiyeen Askarta Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan ciidamada ka socda Uganda oo ah waddankii ugu horreeyay ee Ciidamada Afrikaanka ah ugu yahoobay Soomaaliya sanadkii 2007dii.

‘AS’ ayaa sheegatay in ay qabsatay Xerada Ciidanka Midowga Afrika ATMIS ku leeyihiin Buulo Mareer isla markaana ay gaarsiisay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid hanti waa sida hadalka ay u dhigtay.

War kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee Howlgalka Midowga Afrika ATMIS ayaa lagu sheegay in weerarka ‘AS’ ay ku qaadday saldhig ay ku sugan yihiin Ciidanka ku howlgalka magacooda, balse laguma sheegin khasaaraha ka dhashay gaar ahaan dhankooda waxyeellada gaartay.

Ciidamadaan saakay lagu weeraray Magaalada Buulo mareer waxa ay ‘AS’ Ka qabsadeen Agoosto 2014, kaddib markii Dowladda Federaalka ay kordhisay howlgalkii ay ugu magac-dartay ‘Badweynta Hindiya’ oo Magaalooyin badan gacanteeda soo galeen.

La soco wixii kasoo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here