Khadka Cusub Ee Maraakiibta Turkiga Iyo Geeska Afrika Oo La Hirgaliyay

0
380

Khadka Cusub Ee Maraakiibta Turkiga Iyo Geeska Afrika Oo La Hirgaliyay

Markabkii ugu horreeyay ee ah nooca konteynarada qaada ee Shirkadda Maraakiibta ee Jabuuti, oo si gaar ah uga shaqeyn doonta inta u dhexeysa Turkiga, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa shaqo bilaabay sidda uu shaaciyay Safiirka Jabuuti ee dalka Turkiga.

Munaasabad jimcihii ka dhacday dalka Turkiga waxaa lagu sheegay in tani yareynayso waqtiga maraakiibta ee qaadan jiray in ay soo gaaraan Soomaaliya 35 illaa 50 maalmood in hadda laga dhigay sagaal illaa 10 maalmood oo keliya.

“Qorshahan cusub ee Saadka wuxuu awood u siinayaa in alaab lagu keeno sagaal ilaa 10 maalmood halkii laga keeni lahaa 35 ilaa 50 maalmood waa isbadal weyn oo kordhin doona mugga ganacsiga ka dhexeeya Turkiga iyo Geeska Afrika,” ayuu yiri Safiirka Jabuuti u fadhiya Turkiga Aden Xussein Cabdillaahi.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Khadka cusub ee maraakiibta ee ay aasaastay shirkadda maraakiibta ee Jabuuti wuxuu si gaar ah uga shaqeyn doonaa inta u dhaxeysa Turkiga iyo Geeska Afrika iyadoo leh laba markab oo konteynarro ah oo qaadi kara 11,000 tan iyo 20,000 tan. ”

Xadiga ganacsi ee u dhexeeya Turkiga iyo Geeska Afrika, oo kala ah Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaa lagu qiyaasay $ 518.24 milyan (TL 4.127 billion) sanadkii 2015, wuxuu gaadhay $ 846.46 milyan sanadkii 2019.

Safiirka ayaa ka hadlay in tani ay tahay mid u muuqata fursad weyn oo lagu soo bandhigayo waqtiga rasmiga ah ee gaadiidka isla markaana lagu badbaadinayo cunista kharashka faraha badan.

Xiriirka u dhexeeya Afrika iyo Turkiga wuxuu xoogeystay markii shirkii ugu horeeyey ee iskaashiga Turkiga iyo Afrika lagu qabtay caasimada ganacsiga ee Istanbul iyadoo ay ka soo qeyb galeen wakiilo ka socda 50 dal oo Afrikaan ah sanadkii 2008 iyo shirkii labaad oo lagu qabtay Malabo, Equatorial Guinea sanadkii 2014. Turkiga wuxuu leeyahay 42 Safaaradaha Turkiga ee wadamada Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here