Kenya oo xayiraado ku soo rogtay Xamuulka Ganacsi ee laga qaado Soomaaliya, kuna hanjabtay…

0
490

Kenya oo xayiraado ku soo rogtay Xamuulka Ganacsi ee laga qaado Soomaaliya, kuna hanjabtay…

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aanay ogolaan doonin xamuulka laga qaado Soomaaliya in la geliyo dalkeeda, iyadoo aan cidna la socon.

Go’aan ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in lala wareegi doono, lana burburin doono alaabaha sida xamuulka ah loo geliyo dalkaas oo aan cidna wadan.

Kenya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay alaabo badan oo aan lala socon oo la saaro duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, taasoo ay xustay inay ka hor imaaneyso shuruucda caalamiga ah, ayna keeni karto qatar amni.

“Dowladda Kenya ma ogolaan doonto alaab aysan la socon qofkii lahaa in la keeno dalka. Alaabtaas waa lala wareegi doonaa waana la burburin doonaa iyadoo la eegayo badbaadada duulimaadyada iyo shuruucda amniga diyaaradda soo qaaddana waa lala xisaabtami doonaa”ayaa lagu yiri go’aan ka soo baxay dowladda Kenya.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa sheegay in Sarkaal Soomaali ah oo aan wadan dal ku galka aan loo ogolaan doonin inuu Kenya gudaha u soo galo, sida ay cadeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah cadaadis ay muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay, kaasoo ahaa xayiraada dhanka safarada, balse waxaa haatan soo if baxday xayiraado dhanka Ganacsiga iyo alaabaha xamuulka ee Kenya loo qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here