Kenya Airways oo bilowday Duulimaad toos ah ay ku imaaneyso magaalada Muqdisho

0
69

Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa labo sanno kaddib bilowday duulimaad toos ah ay ku tageyso magaalada Muqdisho, waxaana duulimaadkaasi ay bilowday shirkadda Kenya Airways soo dhaweesay hay’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya.

Diyaarad nuuca xamuulka qaada oo leedahay Kenya Airways kana soo duushay dalka Imaaraadka Carabta ayaa shalay oo Jimco aheyd ka degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

“ Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay soo dhaweeneysaa duulimaadka Kenya Airways ku timid Muqdisho, waxa ayna tani qayb ka tahay qorshaheeda inay sare u qaado duulimaadyada caalamiga ah ee imaanaya dalka ,tan oo fursad u siinaysa muwaadiniinta inay helaan duulimaadyo caalami ah.” ayuu yiri Maareeye Axmed Macallin Xasan.

Shirkadda Kenya Airways oo hadda bilowday duulimaad isbuucii hal mar ah , ayaa qorsheeneysa in marka la gaaro bisha April la dhigto duulimaad labo mar ah isbuucii ay ku tageyso magaalada Muqdisho.