Joe Biden oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiisha Amniga Maraykanka si looga hortago Halista Iiraan ka imaan karta.

0
52

Joe Biden oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiisha Amniga Maraykanka si looga hortago Halista Iiraan ka imaan karta.

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Joe Biden ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiisha Amniga Qaranka isaga oo kala shiray qorshaha Washington ee kahortagista weerarrada la sheegayo in uu ka imaanayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Joe Biden ayaa kulanka inta uu socday waxa uu Saraakiishaan kala hadlay qorshaha culus ee Dowladdiisa ay ku caawineyso Dalalka Xulufada la ah ee u nugul dhibaatooyinka kasoo gaari kara weerarradaas haddii ay u dhacaan sida loosii saadaaliniyo.

Maraykanka qudhiisa ayaa cabsi xooggan ka muujinaya in Iiraan iyo dhinacyada kale ee Xulufada la ah sida Xisbullaah, Xuutiyiinta Yemen, kooxaha ay ku taageerto Suuriya iyo Ciraaq ay fulin karaan weerarro si wadajir ah u dhaca si aanay u dhicisoobin duullaankooda.

Washington ayaa si cad u sheegtay in ay difaaceyso Israaiil, si loo dhaqangeliyo ballanqaadkaasina waxa ay Bariga Dhexe u dirtay Ciidamo wata Maraakiib, Diyaarado iyo qalabka kale oo casri ah si ay u fuliyaan ballanqaadkooda.