Joe Biden oo Israa’iil ka iibinaya hub ku kacaya $8 Bilyan oo Doollar

0
30

Joe Biden oo Israa’iil ka iibinaya hub ku kacaya $8 Bilyan oo Doollar

Madaxweynaha xafiiska wareejin raba ee Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in uu Israa’iil ka iibinayo Hub cusub oo dalkiisa uu sameeyay kaas oo ku kucaya adduun lacageed gaaraya $8 Bilyan oo Doollar si ay isugu difaacdo.

Biden oo sii joogista Aqalka Cad ay uga harsan tahay wax ka yar labo todobaad ayaa sii xoojinaya Israa’iil si ay isaga difaacdo jawaabta ka dhalatay duullaanka ay ku qaadday Dalal kala duwan oo Bariga Dhexe ah.

Hub aan xisaabsanayn ayuu Maraykanka siiyay Israa’iil wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar 2023, hubkaas qaar kamid ah oo aan qarxin waxaa dib u adeegsaday Xamaas oo ku beegsatay saldhigyo iyo xarumo ay ku sugan yihiin ciidanka Israa’iil.

Sidoo kale hubka Maraykanka ah uu bixiyay waa kuwa loo adeegsaday xasuuqa loo diiwangeliyay Israa’iil ee ka kala dhacay Falastiin, Suuriya, Lubnaan, Iiraan iyo Yemen maadaama Dad rayid ah ay beegsatay.

Maraykanka waa gaashaanka ugu weyn ee Yuhuudda ka difaaca halista ay la kulanto, waxa uu balaayiin doollar ku siiyay hubkii ugu dambeeyay ee lagu farsameeyay Dalkiisa halka ciidamo ka dhinac dagaalama uu ku xoojiyay balse libin kuma gaarin.