Itoobiya oo sharaxday Sababta ay Somaliland iyo Puntland ugu dartay dalalka ay
Dowlada Itoobiya ayaa ka hadashay qoraal lagu daabacay bogga Wasaarada Arimaha Dibadda dalkaasi oo lagu soo bandhigay dalalka ay Itoobiya ku leedahay Safaaradaha iyo matalaada diblumaasiyadeed.
Wasaarada Arimaha dibadda Itoobiya ayaa dalalka ay mataalada diblumaasiyadeed ku leedahay ku dartay maamulada Somaliland iyo Puntland, waxa ayna taasi ka careesiisay Soomaali badan oo u garatay in Itoobiya dalal u aqoonsan tahay labadaasi maamul.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, oo ka hadlay arintan ayaa ayaa sheegay in ay aqoonsan yihiin dowlada Soomaaliya , waxa uuna xusay in Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka.
”Waxaan safaarad rasmi ah ku leenahay magaalada Muqdisho, Puntland iyo Somaliland waxaan iyaguna ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed” ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada arimaha Dibadda Itoobiya.
Wasaarada arimaha dibadda Itoobiya ayaa dhawaan bogga Internetka ku leedahay soo dhigtay qariidada Qaarada Afrika oo Soomaaliya lagu daray Itoobiya, waxa ayna taasi keentay caro badan inkastoo markii dambe bogga laga saaray raali galina laga bixiyay.