Itoobiya Oo 60 Xubnood Oo ka tirsan Al-Shabaab ku Xukuntay Xabsiyo kala Duwan

0
16

Itoobiya Oo 60 Xubnood Oo ka tirsan Al-Shabaab ku Xukuntay Xabsiyo kala Duwan

Maxkamad kutaala dalka Itoobiya ayaa 60 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ku xukuntay xabsiyo u dhaxeeya 2.5 sano ilaa 18 sano.

Shabaabka la xukumay ayaa la qabtay labo sano ka hor kadib markii ay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo halkaasi kula dagaalamay ciidamada dowlad deegaanka, taasoo sababtay in laga qabto maxaabiis fara badan.

Sida laga soo xigtay Booliska Federaalka Itoobiya, kooxdan ayaa qorsheynaysay inay saldhig ka sameystaan gudaha Ismaamulka Soomaalida, iyagoo ka faa’ideysanaya dayac-tirka amni ee jira.

Hay’adaha amniga Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in 60 ka dagaalame ay ku jiraan labo horjooge sare oo lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada ammaanka bishii July 2022 ka sameeyeen gobolka Afdheer.

Howlgalka oo socday muddo afar maalmood ah ayaa sidoo kale lagu soo qabtay hub fara badan oo ay ka mid yihiin Qoryaha AK-47, Walxaha Qarxa iyo Gaadiid.

Maxkamadda ayaa xukuno xabsi daa’in ah ku riday labo kamid ah horjoogayaasha sare ee Al-Shabaab, halka inta soo hartay lagu xukumay xabsiyo kala duwan oo ku saleysan sida ay ugu lug leeyihiin.

Sidoo kale, Booliiska Federaalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in baaritaanno lagu hayo lix kiis oo kale oo ay ku lug leeyihiin 95-qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa sheegay inay sii socoto khatarta Al-shabaab, iyagoo xusay in kooxdu ay isku dayayso inay gudaha u gasho Itoobiya iyagoo iska dhigaya dad shacab ah.