Israel oo sheegtay iney la heystaashii u horeeyey ka soo furatay Gaza

0
61

Israel oo sheegtay iney la heystaashii u horeeyey ka soo furatay Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa maanta oo Isniin ah sheegay inay soo furteen labo la heysteyaal, intii lagu guda jiray howlgal gaar ah oo xalay laga sameeyay magaalada Rafah ee koonfurta Qaza.

La haystayaasha ayaa kala ah Fernando Simon Marman oo 60 jir ah iyo Louis Har oo 70 jir ah, kuwaasoo labadooduba la qafaashay 128 maalmood ka hor intii uu socday weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar.

Labada qof ayaa wanaagsan waxaana loo gudbiyay Xarunta Caafimaadka Sheba ee Tel HaShomer, sida ay yiraahdeen Ciidamada Israel. Hawlgalka wadajirka ah waxaa ka qeyb qaatay Hay’adda Ammaanka Israel iyo Booliska Israel.

Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa bogaadiyay “hawlgalkan qoraal uu soo dhigay bartiisa X oo hore u ahaan jiray Twitter, isagoo sheegay inuu kala socday howlgalka Xarunta Taliska isaga oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo taliyayaal sare.

Warka ku saabsan sii deynta la haystayaasha ayaa ku soo beegmaya xilli Rafah ay duqeymo ka geysanayeen ciidamada Israa’iil. Ururka Bisha Cas ee Falastiin (PRCS) ayaa Isniintii sheegay in in ka badan 60 qof ay ku dhinteen duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay rafah, magaaladana ay la kulantay “bartilmaameedsi xooggan.”

Ugu yaraan labo masaajid iyo ku dhawaad ​​toban guri ayaa ka mid ah meelaha lagu bartilmaameedsaday weerarada, degmada Rafah.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa Isniintii xaqiijiyay inay fuliyeen “duqeymo xiriir ah oo lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla aagga Shaboura, oo ah degmada Rafah, ee koonfurta Marinka Gaza. “Weerarada waa la soo gebagebeeyey,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidamada Yuhuuda

Rafah ayaa noqotay magangalkii ugu dambeeyay ee Falastiiniyiinta ka cararaya koonfurta si ay uga fogaadaan ololaha cirka iyo dhulka ee Israel ee guud ahaan inta kale ee ay dadku ku badan yihiin. In ka badan 1.3 milyan oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin magaalada Rafah, kuwaas oo badi ka barakacay qeybaha kale ee Gaza, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.