Israa’iil oo markale weerar ay ku qaadday Lubnaan ku dishay ugu yaraan 19 qof

0
14

Israa’iil oo markale weerar ay ku qaadday Lubnaan ku dishay ugu yaraan 19 qof

Ugu yaraan 19 qof oo ay ku jiraan lix dumar ah iyo shan carruur ah ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday guri ku yaalla koonfurta Lubnaan Talaadadii, sida uu sheegay sarkaal maxalli ah.

Suad Hammoud ayaa BBC-da u sheegtay in dadka dhintay uu ku jiro maamulihii hore ee iskuulka Axmed Ezzedine iyo saddex jiil oo qoyskiisa ah, kuwaas oo dhammaantood ku noolaa dhismo saddex dabaq ah oo ku yaalla tuulada Teffahta.

Imaamka tuulada, Sheekh Cabdo Aabo Rayya, ayaa la dilay xilli uu marayay meel u dhow guriga markii la weeraray isaga iyo laba qof oo wadada marayay, ayuu raaciyay.

Ciidamada Israa’iil ayaan weli ka hadlin dhacdadan, balse waxay marar badan sheegeen inay qaadayaan tillaabooyin ay ku yareynayaan waxyeelada shacabka.

Waxa ay kumanaan duqeymo cirka ah ka fulisay guud ahaan dalka Lubnaan afartii todobaad ee la soo dhaafay, kuwaas oo lagu bar tilmaameedsaday waxa ay ku sheegtay in ay yihiin hawl wadeenada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo hubka Xisbullah.