Israaiil oo aqbashay xabbad-joojin ay la gasho Xamaas.

0
65

Sida ay xaqiijiyeen diblumaasiyiin katirsan Maamulka Israaiil, Xukuumadda Benjamin Netanyahu ayaa ugu dambayn aqbashay xabbad-joojinta laga hirgelinayo Ciidamada Yuhuudda iyo Dhaqdhaqaaqa wax iska caabbinta Falastiin ee Xamaas.

Maanta oo Axad ah ayaa Magaalada Qaahira waxaa isugu tagaya mas’uuliyiin wakiillo ka kala ah Falastiin iyo Israaiil oo wada hadlaya si ay labada dhinac isku dhaafsadaan shuruudaha xabbad-joojintaan in muddo ah lasoo dharaan-dhirinayay.

Maraykanka ayaa Xukuumadda Benjamin Netanyahu ku cadaadinayay in muddo ah in ay aqbasho xabbad-joojinta maadaama muddadii ay qabsatay in ay kusoo furanayso Maxaabiista ay Xamaas ka haysato ku guuldaraysatay.

Mucaaradka Israaiil ayaa dhankooda sheegay in maalin weliba ay dhiig-bax xooggan wajahaan ciidamada iyo saraakiishooda ku sugan furimaha Dagaalka sidaas awgeed aanay la hurayn in haddii la heli karo hannaan wada-xaajood ah la wada hadlo.

Dadka ehelkooda la qafaashay ayaa dhankooda kordhiyay dibadbaxyada ay ka samaynayaan Magaalada Tel Aviv gaar ahaan guriga iyo Xafiiska Netanyahu iyaga oo dalbanaya in la galo wadahadalka lagu soo daynayo Dadkooda.

Dhinaca kale, khubarro kale ayaa ku dooday in aanay Israaiil wufuud u dirsan doonin Magaalada Qaahira iyada oo shuruud ka dhigaysa in marka hore Xamaas ay sheegto Tirada Maxaabiista ay gacanta ku hayso si loo diyaariyo qorshaha lagu sii dayn karo.