In ka badan 30 ruux oo lagu dilay dagaal iyo madaafiic ka dhacay dalka Suudaan
Ciidamada hubeysan ee RSF oo ay la socdaan maleeshiyaad kale ayaa weerar culus ku qaaday magaalada El-Fasher oo ku taalla gobolka Darfur ee galbeedka Sudan.
Weerarkan ayaa waxaa wehliyay Madaafiic, iyada oo ilaa hadda la diiwaan galiyay dhimashada in ka badan 30 qof iyo dhaawaca kuwa kale, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Magaalada El-Fasher ayaa ah meesha kaliya ee ciidamada dowladda Sudan (SAF) ay wali ka maamulaan gobolka Darfur.
Maalintii Isniinta, RSF ayaa markale bilowday duqeymo lala beegsaday guryo rayid ah iyo suuqyada magaalada. Lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarka. RSF weli kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay.