IMF oo sheegtay in Soomaaliya ku guuleysatay dib u eegistii 1aad ee Barnaamijka ECF

0
357

IMF oo sheegtay in Soomaaliya ku guuleysatay dib u eegistii 1aad ee Barnaamijka ECF

War qoraal ah oo ay soo saartay hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa lagu sheegay in wadahalo dhanka internaka ee muqaalka ay wada yeesheen masuuliyin ka socsotay IMF iyo Dowladda Soomaaliya, dib u eegis lagu sameeyey herarka dib u habeynyta maaliyada iyo fulinta waxyaaba lagu heshiiyey, si Soomaaliya si looga cafiyo deynta iyadoo la marayo barmaanija ECF ay taageerada gaarka lagu siiyo dalalka caqabaha kala kulma bixinta deymaha.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay samaameyn iyo caqabado badan kala kulantay kala bar sanadka 2020, dhibaatooyin badan oo ay kujiraan daadad, Ayax wayeelo geestyay dhulbeered farabadan iyo cudurka Covid 19, oo hoos u dhigay awoodda dowladda ee dakhliga gudaha.

Hay’adda lacagta aduunku IMF waxa ay amaantay talaabooyinka ay qaaday dowladda Soomaaliya, si ay hoos ugu dhigto saameynta dadka iyo dhaqaalaha ay ku yeesheen dhibaatooyinkaas iyadoo ka faa’iideysatay taageeray beesha caalamka iyo hirgalinta mashaariicda ay kujiraan Baxnaano, Gargaaraga oo loogu talagalay dadka nugul iyo kibcinta dhaqaalah yar yar iyo kuwa dhaxe.

IMF waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay ku guuleytsay gaarista dhamaanba talaaboyinka looga baahnaa dib u eegista kowaad ee dhaqangalinta Barmaaijak ECF ee ujeedkiisu yahay siinta caawinaad dhaqaale dalalka dhibaatad kala kulma bixinta deymaha.sidoo kale Hay’adda lacagta aduunku waxa ay soo dhaweeyay go’aankuu golaha wasiirada Soomaaliya ay ku meelmariyeen dhismaha gudiga ladagaalanka musuq maasuqa.

Dhinaca kalana Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay warka kasoo baxay Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ee ku aadan in Soomaaliya sanadka 2020 hirgalisay shuruudah sanadlaha ee laga rabay ayaa xusay sida ay uga go’antahay xoojinta iyo wada shaqeynta hay’adaha dhaaalaha ee IMF, Bangiga aduunka iyo cidkasta oo deyn ku leh inay ka codsadaan sidii ay Soomaaliya uga cafin lahaayeen deymahooda, si Somaalia u gaarto isku filanaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Dadaal ugu jirto sidii dalkeeda looga cafin lahaa deymaha faraha badan ee lagu leeyahay oo qaarkood sanadkii tagay laga cafiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here