Ilhan Cumar iyo Elon Musk oo isdhaafsaday hadallo kulul
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo kamid ah Aqalka Kongoreeska Mareykanka iyo Maalqabeenka Dunida ee Elon Musk ayaa is dhaafsaday farriimo kulul.
Elon Musk ayaa si kulul uga hadlay kulamo ay Xildhibaan Ilhan Omar la yeelaneysay muhaajiriinta sharci-darrada ku jooga dalkaasi, si ay uga xog wareysato awaamiirta Madaxweynaha cusub ee Trump.
Milkiilaha Bilyaneerka ah ayaa faafiyay muuqaal ku saabsan wareysi ay bixisay Ilhan Omar kaasi oo la xiriira kulanka ay la yeelatay xubnaha Muhaajiriinta.
Musk ayaa muuqaalka oo uu ku faafiyay barta X ku dul qoray“Waxay jebineysaa sharciga. Si cad. Si toos ah.”