Hoggaanka Afgambiga ku qabsaday Niger oo xiray Hawada dalkaas si aan loo weerarin.

0
169

Hoggaanka Afgambiga ku qabsaday Niger oo xiray Hawada dalkaas si aan loo weerarin.

Hoggaanka Afgambiga ku qabsaday Dalka Niger ee dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa soosaaray go’aan lagu xiray Hawada dalkaas kaddib markii ay ka cabsadeen in uu duullaan ama faragelin ay ku sameeyaan Dalalka deriska la ah Waddankaan.

Wax diyaarad ah ma gelin Hawada Dalka Niger waxaana sidaas u dhaqangalay go’aanka kasoo baxay hoggaanka Afgambiga ku qabsaday waddankaan oo hanjabaad badan dhinaca dibadda uga imaaneysa taas oo ka dhalatay tallaabada ay xilka ku marooqsadeen.

Kooxda Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa ku goodisay in haddii aanay dib awoodda loogu celin madaxweynihii Niger laga afgambiyay ee maamulkiisa inta badan xabsiga la dhigay ee Maxamed Bazoum balse kooxdaan inqilaabka sameysay dhegaha ayay ka fureysatay.

Abdourahmane Tchiani oo ahaa taliyihii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Niger ayaa si cad ugu dhawaaqay in uu yahay hoggaamiyaha cusub ee dalkaas kaddib markii 26kii July Xabsiga ay dhigeen Madaxweynaha afgambiga lagu sameeyay.

Dhinacyada daneynaya Niger ayaa ku baaqay in Militarigu uu dib uga laabto go’aanka uu awoodda kula wareegay maamulka dalkaas haddii kale arrintaan ay ka dhalan doonto uu waddankaan waayo taageerada caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here