Hoggaamiyaha Iiraan “Mareykanka daacad kama aha wada hadallada Barnaamijka Nukliyeerka

0
15

Hoggaamiyaha Iiraan “Mareykanka daacad kama aha wada hadallada Barnaamijka Nukliyeerka

Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa sheegay in dalabka Mareykanka ee ku aaddan wadahadallo la xiriira barnaamijkooda nukliyeerka uu yahay qorshe lagu khiyaameynayo ra’yul caamka caalamka.

 

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii warqad rasmi ah oo ka timid madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ay gaartay hoggaanka Iran, taasoo ku baaqeysa in wadahadallo lagu yeesho heshiis cusub oo lagu xakameynayo barnaamijka nukliyeerka ee Tehran oo si xowli ah u horumarsanaya.

Ayatollah Khamenei ayaa si cad u sheegay in Mareykanku uusan daacad ka ahayn wadahadallada, balse uu doonayo inuu adduunka u muujiyo inuu diyaar u yahay xal nabadeed, halka uu dhab ahaantii isku dayayo inuu cadaadis diblomaasiyadeed saaro Iran. Wuxuu tilmaamay in Iran aysan ogolaan doonin wax heshiis ah oo ay u aragto mid lagu wiiqayo madaxbannaanideeda iyo horumarkeeda teknolojiyadda nukliyeerka.