Hindiya oo kordhisay cadaadiska ay ka wado gobolka Kashmiir

0
457

Hindiya oo kordhisay cadaadiska ay ka wado gobolka Kashmiir

Ciidamada amniga Hindiya ayaa xabsiga dhigay siyaasi ka soo jeeda gobolka Kashmiir, iyadoo booliska tixraacayaan sharciga xaalada deg dega oo u ogalaanaya in ay xiraan cid kasta iyadoo aan loo marin amar Maxkamadeed.

Siyaasiga lagu magacaabo Faaruuq Cabdulaahi oo 82 jir ah horayna wasiir uga noqday gobolka Kashmiir ayaa ka carooday dhibaatooyinka ciidanka amniga ku hayaan dadka Muslimiinta.

Howlgal ay sameeyeen ciidanka amniga ee magaalada Srinagar, ee caasimada u ah gobolka Himalayan isniinta maanta ah ayaa lagu xiray siyaasigaan sida ay eheladiisa Xaqiijiyeen.

Mr Cabdullahi ayaa horay xabsi guri u ahaa tan iyo 5-tii Bishii August kadib amar ka soo baxay ra’isul wasaaraha Hindiya Narendra Modi.

Waan xirnay asaga waxaana arintiisa go,aan ka gaari doona sida laga yeelayo gudiga Amniga , sidaasi waxaa yiri Muneer Khan, oo ka tirsan saraakiisha Booliska.

Dhanka kale hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xabsiga la dhigay dad ka badan 20,000 oo ka soo jeeda gobolka Kashmir.

Waa cadaadiskii ugu xooganaa saameeya muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool Kashmiir-ta Hindiya tan iyo sanadkii 1978-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here