Hay’adda NISA oo shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigtay xubin Shabaab ka tirsan

0
480

Hay’adda NISA oo shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigtay xubin Shabaab ka tirsan

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay gacanta ku soo dhigtay nin ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Hay’adda NISA ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ninkaasi lagu soo qabtay howlgal ay ciidamadeeda ka fuliyeen Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, iyagoo u dhacay hoygii uu ninkaasi ka deganaa degmadaasi.

NISA oo aan sheegin magaca ninkaasi ayaa waxay qoraalka ku sheegtay in uu ka qayb qaatay qarax maalintii Axada ka dhacay Magaalada Muqdisho, laguna dilay Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Maxamed Amiin).

Sidoo kale NISA ayaa barteeda Twitter-ka ku soo bandhigtay muuqaal muujinaya agabyo isugu jira moobeelo, fiilooyin, beteriyo dab dhaliye-yaal ah, laptop iyo toorey oo laga soo qabtay hoygii uu ninkaasi deganaa.

Aaladaha laga soo helay hoyga ninkaasi ayaa waxaa loo adeegsan jiray samaynta walxaha qarxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here