Halkee Maraysaa Dacwadii Ka Dhan Ahayd Feysal Cali Waraabe

0
445

Halkee Maraysaa Dacwadii Ka Dhan Ahayd Feysal Cali Waraabe

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somlailand ayaa Maanta Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe u gudbiyay Xeer ilaalinta Somaliland.

Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Somaliland ayaa shalay shaaciyay in Xildhibaanada Golaha Wakiilada ay kalsoonidii iyo wadashaqeyntii kala noqdeen Guddoomiye Feysal Waraabe, iyagoo Eedeyn kulul u jeediyay.

Garyaqaan C/raxmaan Mowliid oo ka mid ah Garyaqaanadda dhanka sharci ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxaa uu u sheegay in Golaha ay Xeer ilaalinta maamulkaas u gubiyeen Dacwad ka dhan Eng. Feysal.

Xildhibaanada Golaha ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ku eedeeyay inuu jebiyay Dastuurka u yaalla Somaliland, isla markaana uu halis ku yahay nabadda iyo midnimada dadka maamulkaasi.

Sidoo kale Eng. Feysal Cali ayaa eedeeymaha loo jeediyay waxaa kamid ah in uu Abuuray kicin dadweyne iyo iska horkeenka Bulshada Somaliland, sidaasina Dacwada looga gudbiyay.

Si kastaba Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa shalay si kulul uga Jawaabay eeda loo jeediyay, wuxuuna ku tilmaamay arrintaas kuwo looga been abuuray, isagoo sheegay inuusan jebin Dastuurka, eedeynta noocaas ahna laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here