Halkee ayuu ku danbayn doonaa heshiiskii u dhaxeeyey Khaatumo iyo Somaliland?

0
856

Halkee ayuu ku danbayn doonaa heshiiskii u dhaxeeyey Khaatumo iyo Somaliland?

Waxaa jiray heshiis ay gaadheen Somaliland iyo maamulkii Khaatumo ee uu madaxda ka ahaa Allah ha u naxariistee Cali Khaliif Galayr, oo shalay ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Madaxweynahii Somaliland ee xilligaas Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynahii maamulka khaatumo Dr Cali Khaliif Galleydh ayaa habeennimadii 20-kii bishii October ee sannadkii 2017 magaalada Ceynabo ku kala saxiixday heshiis ka dhashay wadahadallo labada dhinac u soo socday labadii sano ee u dambeeyay oo ka kala dhacay dalalka Itoobiya, Imaaraatka, Hargeysa iyo Jabuuti.

Nuqul kamid ah warmurtiyeedka heshiiskaas oo ay xilligaas heshay BBC-du ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kala saxiixdeen qodobbo ay ka mid ahaayeen:

  • In la helo caddaalad, sinaan iyo nabad ku wada noolaansho.
  • In la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland.
  • In khilaaf kasta oo jira lagu dhammeeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
  • In dastuurka dib loo furo, si loo sugo awood qeybsi ku dhisan caddaalada iyo Sinnaan, guddi joogto ahna arrintaasi loo saaro.
  • In Somaliland, ururada samafalka iyo hey’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxeysa ay ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo In ciidamada hubeysan ee Khaatumo la qarameeyo, oo Somaliland ay yeelato ciidan qaran oo suga xuduudaha, jiritaanka iyo danaha Somaliland.

Halkee ayuu ku danbayn karaa heshiiskaasi?

Tan iyo markii uu xilka ka degay madaxweyne Siilaanyo, oo xilliga uu heshiiskaasi la galay ay u hadhsanaayeen wax ka yar laba bilood muddo xileedkiisa ayaa la filayey in xukuumadda beddeli doonta ay halkaas kasii ambaqaadi doonto.

Inkasta oo ay jireen kulammo ka danbeeyey oo ay wada yeesheen madaxweynaha hadda ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, weli kama ay soo bixin natiijo la taaban karo, iyadoo xilligii la galay heshiiskaas ay ka soo wareegtay muddo ku dhaw saddex sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here