Guriga Duqa Magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo la weeraray & dhaawac soo gaaray xaaskiisa

0
161

Guriga Duqa Magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo la weeraray & dhaawac soo gaaray xaaskiisa

Habeenimadii xalay, dad ayaa baabuur ku dhuftay guriga duqa magaalada Paris ee kuyaalla xaafada L’Haÿ-les-Roses, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Weerarku wuxuu dhacay abaaro 01:30 (23:30 GMT), markaas oo Vincent Jeanbrun uu ku sugnaa xafiiskiisa. Xaaskiisa iyo labo caruur ah oo uu dhalay ayaa hurdayay markii kooxihii weerarka geystay oo aan la garaneyn ay albaabka ka soo galeen kadibna ay gubeen gaariga.

Markii xaaskiisa iyo caruurtiisa yar yar ay isku dayeen inay baxsadaan ayaa waxaa ku dhacay walxaha dab bixiya ee kor loo tuuro taasoo keentay in xaaskiisa iyo mid ka mid ah caruurta ay dhaawacmaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xaaska duqa magaalada Haÿ-les-Roses ee Paris ay ka jabtay Lugta gaar ahaan lafta tibia- waxaana soo gaaray “dhaawac halis ah”, sida ay sheegeen masuuliyiinta Farance.

Xeer ilaaliyaha Créteil ma uusan bixin war cusub oo ku saabsan xaalada labada lamaane ee caruurtooda da’doodu tahay shan iyo toddobo jir.

Isha: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here