Guddoomiyaha Guurtida Oo Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Labada Xubnood Ee Uu U Xulay Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka

0
493

Guddoomiyaha Guurtida Oo Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Labada Xubnood Ee Uu U Xulay Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka

Hargeysa (Dalmar-News):- Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa M adaxweyne Biixi u gudbiyay labada xubnood ee golaha guurtida u meteli doona guddiga cusub ee doorashooyinka.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in guddoomiye Saleban uu Madaxweynaha u gudbiyay labadaas xubnood oo magacyadoodu kala yihiin:

1.Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood)

2.Foosi Hiraab Gale

Labadan xubnood, ayaa noqonaya xubnaha u horeeya ee guddiga cusub ee doorashada, waxaana la filayaa inay labada xisbi mucaarad iyaguna maalmahan gudbiyaan labadooda xubnood, Madaxweyne Biixi ayaa isna la sheegay inuu diyaariyay saddexda xubnood ee uu soo xulayo, waxaanu u gudbin doonaa golaha wakiilada oo iyaguna codka kalsoonida u qaadi doona.

Source:- Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here