Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Qadar

0
634

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Qadar

Kusimaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Amb Mohamed Mursal Sheikh ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza.

Safiirka waxaa kulanka ku wehlinaayay saraakiil ka tirsan Safaarada Qadar ee Soomaaliya, iyadoo kulankana loogaga hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood.
Sidoo kale kulanka waxa loogu hadlay wada shaqeynta baarlamaanada labada dowladood ee Qadar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay sida diiran ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay.

”Mudane guddoomiye waxa marka hore hambalyo iyo salaan kaaga wadaa guddoomiyaha baarlamaanka Qadar, dowladda Qadar waxay balan qaadeysaa iney dhinac walbo ka taageereyso golaha shacabka, waxa ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada baarlamaan “. ayuu yiri Safiirka.

Kusimaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacbaka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in dowladda Qadar ay kaalin weyn ka qaadaneyso hormarka dalka ka socdo.

” Dowladda Qadar waxa ay qeyb weyn ka qaadaneysaa hormarka dalka ka socdo, barnaamijyo hormarineed oo shacabka wax weyn u tari doono mustaqbalka ayay dalka ka wadaa” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabaka.

Guddoomiyaha ayaa safiirka kaga mahad celiyay dadaalada uu ku xoojinayo xiriirka labada dowladood iyo labada baarlamaan.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Habdhowraha golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan “Nuux”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here