Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo maanta Muqdisho kusoo wajahan
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusoo wajahan Magaalada Muqdisho kaddib markii uu casuumay dhiggiiisa Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen wararka soo baxaya.
Wafdi hordhac u ah Guddoomiye Dileyta ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana la diyaariyay munaasabadda lagu soo dhaweynayo wafdigaan ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti iyo goobtii loogu talagalay.
Inta uu Guddoomiye Dileyte ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxa uu la kulmi doonnaa Guddoonka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Sare ee Dalka iyo xubno kale oo ay kawada hadli doonnaan xaaladda iyo xiriirka labada Dal.
Xildhibaannada socodka ku wehliya Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa qudhooda la kulmi doonno Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si gaar ah Guddiga qaabilsan Saaxiibtinimada.
La soco wixii kasoo kordha