Guddiga Doorashada Madaxweynaha Puntland oo lagu dhawaaqay
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa maanta magacaabay Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka.
Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka ayaa ka kooban 7 xubnood, waxaa ku jira xubno horey ugu jiray guddigii doorashada guddoonka Baarlamaanka.
- Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Guddoomiye)
- Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab
- XildhibaanCabdirisaaq Xasan Ciise
- Xildhibaan Xaamud Ismaaciil Xirsi (Abshir)
- Xildhibaan Cawil Xasan Daad
- Xildhibaan Xuseen Axmed Nuur
- Xildhibaan Maxamed faarax Mire
Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka ayaa dhacaysa maalinta Tallaadada ee ku beegan 8-da bishan Jannaayo 2019.