Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Ansixiyay Ergey Cusub

0
349

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Ansixiyay Ergey Cusub

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey ayaa ansixiyay soo jeedintii  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe  António Guterres ee eheed in Nickolay Mladenov noqdo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Liibiya.

Nikolay Mladenov  ayaa bedeli doona Gassaan Salaama  oo ka tegay xilkaas bishii March ee la soo dhaafay, culeys dartiis.

Bayaan ay soo saareen xubnaha Golaha Amniga ayaa lagu sheegay inay  muhiim tahay in la helo hannaan lagu kalsoonaan karo si Liibiya looga hirgeliyo xabbad joojin dhab ah.

Golaha ayaa ku baaqay mar kale in dhammaan dagaalyahanada ajaanibta ah ee jooga dalkaas inay dhaqsi uga baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here