Gobolka Tigray Ee Itoobiya Oo Soo Saaray Go’aan Ka Dhan Ah Dowladda RW Abiy

0
522

Gobolka Tigray Ee Itoobiya Oo Soo Saaray Go’aan Ka Dhan Ah Dowladda RW Abiy

Dowlad-deegaanka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa ku hanjabtay in aysan qaadan doonin amarka kasoo baxa dowladda Federaalka Itoobiya, iyagoona ka hadlay sababta ay arrintaas u sameeynayan.

Dowlad-deegaanka Tigray ayaa sheegtay in laga bilaabo 5-tii bishaan Octoober uu ku ekaa xilliga Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, balse waqti loogu daray sababo la xiriira dib u dhac ku yimid doorashada.

Hanjabaaddaas ayaa xiisad siyaasadeed ka abuurtay gudaha dalkaas.

Guddoomiyaha Aqalka Baarlamaanka Itoobiya Adem Farah ayaa Jimcihii sheegay in dowladdu ay u bannaan tahay qaabab kala duwan oo ay ula macaamili karto xiisadda gobolka Tigray, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay xilka ka qaaddo xubnaha sare ee gobolka sidoo kalena ay ciidamo u dirto.

Dhanka kale, ismaamulka Tigray ayaa warqad u qoray beesha caalamka taas oo uu kaga dalbanayo inay dowladda federaalka cadaadis ku saaraan oggolaanshaha baaqa nabadda ee ka soo yeeray Isbahaysiga Xoogagga Fedaraaliga ah ee Itoobiya, isla markaana ay dalka ka hor istaagaan inuu burburo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here