Gobolada Somaliland oo berri looga dareerayo Doorashadii Mudada Lasugayey

0
36

Gobolada Somaliland oo berri looga dareerayo Doorashadii Mudada Lasugayey

Deegaannada Somaliland waxaa berri oo Arbaco ah kuna beegan 13ka Nofeembar 2024 ka billaabaneysa Doorashada Dadweyne ee lagu dooranayo Xisbiga hoggaamin doonno Maamulkaas muddada 5ta sano soo socota.

Loolanka ugu adag waxa uu u dhaxeeyaa Xisbiyada Kulmiye oo talada haya iyo Waddani oo Mucaarad ah isla markaana ku goodiyay in uu isbaddel cusub gelin doonno Deegaannada  Somaliland.

Waxaa soo idlaaday maalmihii ololaha Xisbiyada iyo Ururrada diiwaangashan balse shuraakada la ah ee saddexda Xisbi ee ugu weyn ee kala ah Kulmiye, Waddani & UCID si ay ugu darsadaan codadkooda loona soo dhiso maamul ay ku mideysan yihiin.

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in dhankooda diyaar u yihiin doorashada oo lasii tababaray howlwadeennada u shaqeynaya, qalabka loo adeegsanayo codbixinta sida Sanaadiiqda, kuwa qofka lagu hubiyo, Ciidanka Amniga & Gaadiidka lagu qaadayo.

Dadka baahiyaha gaarka ah qaba (Naafada ah) ayaa dhankooda loo diyaariyay goobo gaar ah oo codbixintooda ka dhiiban doonnaan si aanay u gelin safafka dhaadheer ee Dadka lixaadkoodu dhammeystiran yahay la gelinayo si loo hubiyo aqoonsigooda iyo codkooda in ay geliyaan sanaadiiqda.

Wakiillo kala duwan oo kor-joogto ka noqoneysa Doorashadaan ayaa qaarkood ku sugan Magaalada Hargeysa, qayb kale ayaa dhiman oo isla maanta ku wajahan si ay u qiimeeyaan Doorashadaan sida ay u dhaceyso & qaabka loo adeegsaday lacagihii ay ku gacansiiyeen  Somaliland.

La soco wixii kasoo kordha