GEBILEY : Taliyihii Ciidanka Dab-damiska Gebilay oo ku geeriyooday Biyo-xireenka Magaaladaas
Taliyihii Ciidanka Dab-damiska Magaalada Gebilay Caydaruus Cumar Ibraahim ayaa ku geeriyooday Biyo-Xireenka Magaaladaas kaddib markii uu ku dhacay meel mool ah sida uu xaqiijiyay Hoggaanka Dab-damiska Somaliland.
Caydaruus waxa uu shaqada ciidanka Dab-damiska ku biiray 2018kii kaddib markii uu kamd noqday Rag ka gudbay Imtixaan laga qaaday, waxa uu qabtay howlo kala duwan oo la xiriira shaqada uu hayay.
Cabdifitaax Maxamed Sulux, hoggaanka Ciidanka Dab-Damiska ayaa sheegay in dedaal badan la sameeyay si loo badbaadiyo Taliye Caydaruus balse lagu guuldareystay, waxa uu u tacsiyeeyay ehelkiisa & ciidanka uu katirsanaa.
“Howsha waqti hore ayaa billawnay, dedaal badan ayaa sameynay innaga oo ka fogaaneyno in aan nafteena halis kale gelino, Biyo-xidheenka waa mid joog dheer, biyo badan ayaa jiifa, Caydaruus waxa uu shaqada kusoo biiray 2018kii waa ciidankii Imtixaanka Gebilay kusoo baxay, ilaah baa ku sababay in uu ku geeriyoodo, afar askari ayaa la socotay oo u dabbaaltagtay Biyo-Xidheenka” Cabdifitaax Maxamed Sulux.
Ciidamada Quusa ayaa la geeyay Magaalada Gebilay si looga hortago haliska ka dhalan karta waqtiyada qaar Biyo-Xireenka Magaaladaas oo dad badan ay u dabbaaltagaan, hoggaanka Dab-Damiska ayaa ka digay halista nafeed ee ay la kulmi karaan Dadkaas.