Gabdhaha Ardayda Muslimiinta ah ee wax ku barta Gobolka Tigray oo diiday go’aanka looga mamnuucay Xijaabka
Gabdhaha Muslimiinta ah ee wax ku barta Gobolka Tigray gaar ahaan Magaalada Xarunta u ah ee Axum ayaa diiday amar la dul dhigay oo ahaa in aanay xijaab xiran karin inta ay joogaan goobaha ay wax ku bartaan.
Waxa ay sameeyeen dibadbax ka dhan ah dhaqangalka tallaabadaas maadaama ay yihiin Dad muslimiin ah kuna qasban yihiin waxa ay fartay in ay qaataan ama ku dhaqmaan kana haraan waxyaabaha ay ka reebtay.
Xubin kamid ah Gabdhaha diidmada kala hortagay amarkaan ayaa sheegtay in su’aalo badan ay dul dhigeen sababta loo beegsanayo Dadka Muslimiinta ah oo jooga Magaalada Axum si ka duwan Dadka aaminsan diimaha kale.
Macallimiinta qaar ayaa Ardayda Muslimiinta ku wargeliyay in aanay xiisaddooda soo xaadiri karin iyaga oo Madax daboolan oo tintooda asturay, taasi waxa ay keentay in culeys kale oo la saaray Ardaydaas Gabdhaha ah ee Muslimiinta ah.
Maamulka Magaalada Axum ayaa lagu wadaa in uu soo farageliyo arrintaan oo laga cabsi qabo in la waayo Gabar muslimad ah oo xaadirta Iskuullada, waxa xiga ee ka dhallan karana uu noqdo culeys dhankooda kusoo laabta.
Gobolka Tigray gaar ahaan Magaalada Axum waa goobaha ugu badan ee Muslimiinta Itoobiya ku nool, waxa ay leeyihiin Masaajid iyo goobo kale oo wax lagu barto, halka Dadka dhaqaalahoodu liito ay aadaan Iskuullada Dowladda oo culeys kala kulmaan.