Faransiiska & Jarmalka oo u ololeynaya in Afrika Golaha Ammaanka ee QM laga siiyo Kursi joogto ah.

0
219

Faransiiska & Jarmalka oo u ololeynaya in Afrika Golaha Ammaanka ee QM laga siiyo Kursi joogto ah.

Faransiiska oo kamid ah 5ta waddan ee joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay & Jarmalka oo Doorasho u gala 10ka Dal ee wareegaya ayaa sheegay in ay wadaan olole kursi joogto ah loo siinayo Qaaradda Afrika si cod joogto ah u yeelato.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Haweeneyda lagu magacaabo Annalena Baerbock ayaa sheegtay in iyada dhiggeeda Faransiiska Catherine Colonna ay wadajir u taageereen doodda la xiriirta in Afrika kursi joogta ah ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Labada Wasiir Arrimo dibadeed ee Faransiiska & Jarmalka ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in qaaradda ay ku dhex jirto waddamada la yiraahdo (Veto Power) codka diidmada qayaxan ee Joogtada ah Golaha Ammaanka.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki oo la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Faransiiska & Jarmalka oo tegay Magaalada Addis Ababa oo ah xarunta Ururkaan ayaa dhankiisa sheegay in qaaraddu ay u baahan tahay cod joogto ah.

Madaxda Ururka Midowga Afrika oo sanadkii kulma dhammaadka Bisha Janaayo ayaa lagu wadaa in fadhi gaar ah ay ka yeeshaan arrintaan kahor inta aysan dooran Guddoomiyaha Baddelaya Madaxweynaha Senegal Macky Sall ee waqtiga xilheynta ka dhammaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here