Faah Faahin ka soo baxaya duqeyn dad rayid ku dhinteen oo ka dhacay Jubbada Hoose

0
419

Faah Faahin ka soo baxaya duqeyn dad rayid ku dhinteen oo ka dhacay Jubbada Hoose

Wararka laga helayo Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal oo loo maleynayo iney leedahay dowladda Kenya ay duqeyn ka geysatay deegaanka Hoosingoow, iyadoo duqeyntan ay khasaare ka soo gaartay dad Shacab ah.

Sida wararku sheegayaan Diyaaradaha ayaa laba gantaal ku dhuftay Aqal Soomaali ay deganaayeen dad reer Miyi ah, taasoo keentay inay goobta ku geeriyoodaan laba qof, halka qof kalena uu dhaawac daran ka soo gaaray.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in duqeyntan ay ka dambeeyaan diyaaradaha dagaalka Kenya oo dhowr jeer oo hore duqeymo dad rayid ah ka geysteen deegaano ka tirsan Jubbooyinka, ayna jireen magdhow horay looga qaaday duqeymo qaldan oo sidan oo kale deegaanka uga geysteen.

Guddoomiyaha deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose C/xakiin Maxamed Maxamuud ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in labada qof ee dhimatay iyo qofka dhaawacmay oo si aad ah looga yaqaano degmada ay la yaabeen sababta ka dambeysa in gantaalo lala eegto, iyadoo duqeynta sidoo kale galaafatay Xoolo badan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uusan Hoosingoow ka jirin goobo Caafimaad, halka ugu dhow ee ay Caafimaad ka helaanna ay tahay Xerada Qaxootiga ee Xagardheer oo qiyaastii 160KM u jirta iyo xero ay Ciidanka AMISOM ku leeyihiin Dhoobleey oo 78 KM u jirta.

C/xakiin Maxamed Maxamuud, ayaa dhinaca kale hay’adaha samafalka iyo dowladda dhexe ka dalbaday inay gargaar Caafimaad la gaaraan degmada Hoosingoow oo ka jirta xaalado dhinaca Nolosha ah, iyadoo aaney jirin cid wax iska weydiisa dadka adeeg xumada Caafimaad nolosha ugu adkaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here