FAAH FAAHIN : Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo xiray Koontaroolka laga galo magaalada Garoowe ee DG Puntland

0
112

Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo xiray Koontaroolka laga galo magaalada Garoowe ee DG Puntland

Ciidamo ka tirsan Booliska Dowlad Gobaleedka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa xiray Koontaroolka Bari ee magaalada Garoowe oo ah Caasimadda maamulkaas, iyaga oo joojiyay isu socodka gaadiidka ee wadada xiriirisa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, ayaa Madaxweyne Deni ku eedeeyay in uu ololaha doorashada u adeegsaday mushaaraadka ciidamada Puntland, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada gadoodsan oo la hadlay warbaahinta maxaliga.

dhacdadaan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku sugan yahay magaalada Gaalkacyo, halkaas uu ka wado olole siyaasadeed ee Ururkiisa Kaah.

Puntland ayaa wajahaysa siyaasada isdiidan oo salka ku haya habka ay u dhacaysa doorashada sanadka soo socda ee la filayo in ay ka dhacdo, balse Madaxweye Saciid Cabdullaahi Deni ayaa damacsan in uu qabto doorasho qof iyo cod ah.

Damaca Deni ee doorashada qof iyo cod ayaa waxaa ka hor yimid Madaxweynayaashii hore ee Maamulkaas kuwaas oo kala ah Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiwali Gaas, oo labaduba si isku mid ah uga soo horjeestay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here