Erdogan: “Turkigu waxa uu marayaa Waayihii ugu xoogganaa siyaasad, Militari & Diblumaasi ahaan”.

0
237

Erdogan: “Turkigu waxa uu marayaa Waayihii ugu xoogganaa siyaasad, Militari & Diblumaasi ahaan”.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay guullaha Xukuumaddiisa ka gaartay dhexgalka waddamada kale ee Caalamka iyo qorshaha mira-dhalay ee lagu fasaxay gargaarkii ku xayirnaa Ukraine ayaa sheegay in dalkiisa uu wanaagsan yahay dhan siyaasad, dhaqaale & Militari.

Erdogan oo u muuqda in fariintaan uu isaga jeydinayo musharixiinta Mucaaradka ah ee ku kulaalaya xilka ugu sarreeya dalkaas maadaama uu wajahayo doorashadii ugu adkeyd uu galay tan iyo markii uu xilka ka qabtay Dalkaas.

Waxa uu ku faanay in uu ku guuleystay isu keenidda wufuud ka kala socota Ruushka & Ukraine si loo saldhigo qorshaha kor-joogtada uu ka yahay Turkiga balse soo jeedintiisa ka yimid dhanka Qaramada Midoobay ee lagu fasaxay Gargaarka ku xayirnaa Dekedda Odesa.

“Turkiga waxa uu marayaa waayihiisii ugu xoogganaa siyaasad ahaan, militari ahaan iyo diblumaasiyad ahaan, dedaal xooggan ayaan gelinay sidii looga mira-dhalin lahaa Gargaarka ku xayirnaa Ukraine oo ugu dambeyn lagu guuleystay in la fasaxo” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo la hadlay kumanaan qof oo ku sugnaa waqooyi galbeed Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka shaqeysay wax ka qabashada sare-kaca ku yimid lacagta dalkaas laga isticmaalo ee (Lira), is baddelka ku yimid qiimaha maciishadda guud ahaan caalamka & duruufaha kale ee soo kordhay.

Erdogan ayaa isu diyaarinaya Doorashada Baarlamaani & Madaxtinimo ee Turkiga ka dhaceysa June 2023, waxa uu wajahayaa olole xooggan oo ay wadaan xubnaha mucaaradka ah ee raba in ay talada kala wareegaan hoggaamiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here