Erdogan oo sheegay in Turkiga uu soo saari doono Gantaalo casri Ah
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa aad ugu farxay gantaalaha difaaca ruushka ee S-400 oo maalintii Jimcaha ay bilaabatay in Turkiga loo Daabulo.
Mr Erdogan ayaa tilmaamay in talaabada xigta ay noqon doonto in Turkiga uu soo saaro gantaalahan isaga oo la kaashanaya Moscow.
Hadalkaan ayaa ku soo aaday iyadoo Mareykanka uu ka carooday talaabada maamulja Ankara uu ku Iibsatay Gantaalahan.
Waxaan Farsameyn doonaa Gantaalahan sida aan ilaah ka rajeyneyno marka la gaaro bisha April ee sanadka 2020-ka ayuu yiri Erdogan.
Hadalkaan ayuu ka sheegay munaasabada sanad guuradii sadaxaad ee ka soo wareegtay isku daygii dhicisoobay ee sanadkii 2016-kii lagu afganbin rabay dowlada Turkiga.
Guud ahaan shacabka Turkiga ayaa maanta dib u soo xasuustay qalalaasihii dhiiga ku daatay taasi oo qeyb ay ka ahaayeen saraakiil ka tirsanaa laamaha Amniga.