Erdogan oo Sheegay in laga yaabo in ay dagaal ku galaan Isra’il

0
47

Erdogan oo Sheegay in laga yaabo in ay dagaal ku galaan Isra’il


HomeNEWSErdogan oo Sheegay in laga yaabo in ay dagaal ku galaan Isra’il
NEWS
Erdogan oo Sheegay in laga yaabo in ay dagaal ku galaan Isra’il
by Cabdi CadeJuly 29, 20240503
SHARE0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii shalay sheegay, in laga yaabo in Turkiga uu gudaha u galo Isra’il, si la mid ah sidi ay horay uga sameeyeen Liibiya iyo Nagorno-Karabakh, balse ma uusan faah-faahin nuuca ay noqon doonto faragelinta uu soo hadal qaaday.

Erdogan, oo si aada u dhaleeceeya duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza, ayaa hadalkaan jeediyay xilli uu ka hadlayay horumarka uu dalkiisa ka sameeyay wax soo saarka qalabka difaaca.

“Waa inaan aad u xoog banaanno si aysan Israa’iil wax yaabahan lagu qoslo uga sameyn Falastin. Sidi aan u galnay Liibiya iyo Karabakh, waxaa dhici karta inaan si la mid ah iyaga ku sameyno,” Ayuu Erdogan u sheegay mudanayaal ka tirsan xisbigiisa AK oo uu kula kulmay magaalada uu asal ahaan kasoo jeedo ee Rize.

Erdogan ayaa intaasi ku daray “in aysan jirin sabab aysan taasi u sameyn karin, balse ay tahay in ay awood muujiyaan si ay tallaabadaasi u qaadaan.

Wakiillada xisbiga AK Party ayaanan ka jawaabin faah-faahin arrintan ku aadan oo ay weydiisay wakaaladda wararka ee Rueters, Israa’iil ayaa iyaduna aanan wax war ah kasoo saarin arrintan.

Madaxweyne Erdogan u muuqday in uu tixraacayay faragelinti uu horay Turkiga uga sameeyay Libya iyo gobolka Nagorno-Karabakh ee ay isku heystaan Azerbaijan iyo Armenina.

Sannadki 2020-ki, Turkiga ayaa ciidamo millatari ah u diray Libya, si ay u taageeraan dowladda uu caalamka aqoonsanyahay ee Libya.

Turkey horay ayay u beenisay in ay si toos ah uga qeybgashay howlgallada millatari ee ay ciidanka Azerbaijan ka sameeyeen gobolka Nagorno-Karabakh sannadki hore, balse marki danbe sheegtay in ay dhan walba ka taageertay Azerbaijan sida tababarka milatariga iyo saanadaha millatari.