Ehelka Maxaabiista gacanta u galay Xamaas oo Israaiil ku cadaadinaya in ay sameyso ‘Is dhaafsi Maxaabiis

0
90

Ehelka Maxaabiista Israaiil ee gacanta u galay Xamaas ayaa ku qaylo dhaaminaya in aanay Yuhuuddu qaadin weerar dhulka ah halkii ay duullaankaas ay u qorsheynayaan Gaza baddelkiisa xoogga saaraan wadahadalka Maxaabiista la isku dhaafsanayo.

Qaar kamid ah xubnaha cabashada ka qaba tallaabada Militari ee Israaiil ayaa kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyaga oo u sheegay in aanay marnaba taageereen sii socoshada howlgallada Gaza balse ay jiraan dhinaca wadahadalka.

Waxa ay sheegeen in ay muddo ku qaadatay Ciidanka Israaiil soo furashada Maxaabiista la qafaashay intooda badan 7dii Oktoobar 2023 keliya qorshaha lagu soo deyn karo hadda ay tahay in wadahadal salkiisu yahay heshiis is dhaafsi Maxaabiis in la sameeyo.

Ehelka oo ka duulaya fariintii Xamaas ay dhowaan ku sheegtay in 50 kamid ah Maxaabiista Israaiil ay ku dhinteen duqeynta arxan-darrada ah ee Yuhuudda ku garaaceyso Magaalada Gaza ayaa dalbanaya in la joojiyo howlgallada Militari.

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu oo dhibsanaya codsiga xubnaha ehelkoodu maqan yahay isla markaana aanay u awoodin uu soo furto ayaa sheegay in howlgallada iyo wadahadalka ay is dhinac sonayaan.

Hadas Calderon waxaa ka maqan labo carruur ah iyo Seygeeda waxaana ay kamid noqdeen Maxaabiista u gacan galay Xamaas iyada oo ka welwelsan in ay dhintaan ama in aanay markale is arkin ayay sheegtay in loo baahan yahay joojinta duqeynta si wadahadal loo galo.

“Badbaadada caruurteena wax aay ku jirtaa gacantooda. Waxan waydiisanayaa in aanay hilmaamin. Waa in ay xabad joojin sameeyaan, isla markaana ay ogolaadaan is dhaafsiga maxaabiista” ayay tiri Hadas Calderon oo ku sugan Tel Aviv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here