Duqeyn ka dhacday duleedka Kismaayo oo lagu dilay 9 maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab

0
590

Duqeyn ka dhacday duleedka Kismaayo oo lagu dilay 9 maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab

Duqeyn cirka ah oo ay fulisay diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaano ayaa lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan al-Shabaab duleedka Kismaayo.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in 1-dii bishan October oo shalay ku beegneyd Ciidamada Mareykanka ay qaadeen weerar cirka ah, kaddib markii Al-Shabaab weerareen Ciidamo ka tirsan dowladda.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay 9 maleeshiyo, halka mid kale lagu dhaawacay.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in qiimeyn ay sameeyeen ku ogaadeen in aanay jirin dad rayid ah oo waxyeelo ka soo gaartay duqeynta.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel 40KM waqooyi bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa soo saara war saxaafadeedyada duqeymaha cirka ah ee ay ka fuliyaan Soomaaliya, sanadkan gudihiisa Mareykanka ayaa qaaday duqeymo dhowr ah oo uu ku bartilmaameedsaday Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa ka gaabsada inta badan duqeymaha Mareykanka geysto Koofurta Soomaaliya oo labadii sano ee u dambeeyay ay sii kordhayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here