Dunnida Oo Caawa Laga Sugaayo Dayax Madoobaadkii Ugu Muddada Dheeraa

0
643

Dunnida Oo Caawa Laga Sugaayo Dayax Madoobaadkii Ugu Muddada Dheeraa

Dadka jecel dhacdooyinka astronomy-ga waxay sugayaan oo nagu soo aaddan dayax madoobaadkii ugu waqtiga dheeraa qarniga 21aad, kaas oo la filayo in uu dhaco caawa July 27, 2018, iyadoo laga arki doonto inta badan dowladdaha Afrika, Yurub, Aisia, Asturalia, qeybta bariga  Mareykanka, ku darso badweynta Pacific, Atlantic, Indian iyo Antarctica.

Dhacdadan ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay “Dayax madoobaadka dhiigga u midabka eeg, midabka dayaxa ayaa isku bedelaya midabka maarta si aan dhammeystirneyn.

Mac’hadka qaranka ee Astronomical-ka iyo Geophysics-ka dalka Masar ayaa sheegay in dayax madoobaadka uu mari doonto shan marxaladood, marxaladda dayaxa u ekaanaya sidii in uu hoos ama hadh ku jiro oo kale qeyb ka mid ah, si dhammeystiran u hadheysan yahay, qeyb ka mid ah, iyo mar kale oo inuu hoos ku jiro oo kale uu u ekaanayo, muddo 6 saacadood ah iyo 14 daqiiqo ku dhaawaad ayuuna qaabkaa isku bedbedalayaa.

Mac’hadkan ayaa sheegay in dayax madoobaadku uu si dhammeystiran uu noqonayo muddo 43 daqiiqo ah, waana mudada ugu waqtiga dheer Qarnigan 21aad.

Ashraf Tadros madaxa qeybta Astronomy-ga ee mac’hadkan oo bayaan soo saaray ayaa yidhi: “Dayax madoobaadka caawa, waxayaabaha lagu arki doono waxaa ka mid ah in waqtigiisu uu yahay habeen dayaxu uu dhammeystiran yahay bisha dulqacada ay kala badh tahay sanadka hijriga ee 1439.”

Waxaa xusid mudan, in dayax madoobaadkii ugu gaabnaa waxa uu ahaa April 4, 2005, mudadiisu waxey gaareysay 4 daqiiqo iyo 48 ilbidhiqsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here