DP World Oo Sheegtay In Dhaawac Ay Ku Noqotay Dacwaddii Jabuuti

0
432

DP World Oo Sheegtay In Dhaawac Ay Ku Noqotay Dacwaddii Jabuuti

Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka isku taga Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaadday saameyn weyn in uu ku yeeshay go’aankii dowladda Jabuuti ay uga gudbisay dacwadda kadib markii ay isku fahmi waayeen shaqadii Shirkaddu ay ka wadday dekadda Dooraale ee magaalada Jabuuti

Maamulka Shirkadda DP World ayaa sheegay dhaawac weyn in uu ku noqotay shaqada Shirkadda muranka iyo dacwadii laga gudbiyay iyada oo sida ay sheegtay ku adkaatay in lacag ay ku maalgeliso mashaariicdeeda ay ka weysay Bangiyada caalamka.

Maamulaha Shirkadda Suldaan Axme d oo la hadlay wakaaladda wararka ee reuters ayaa sheegay in go’aanka dowladda Jabuuti ay ku ceyrisay uu dhaawacay kalsoonida lagu qabi karo shaqada shirkadda iyo mashaariicda ay maalgeliso.

Hadalkaan ayuu ka sheegay kadib markii mashruuc cusub ay ka higelisay DP World dalka Ruwandha,kaas oo ku kacay lacag gaaraysa 35-Milyan oo dooollar,dhinaca kalana madaxa shirkadda ayaa tilmaamay in Bangiyadu ay walaac ka keeneen cidda damaanac qaadeysa hadii ay Banguiyadu lacag amaahiyaan isla markaana ay dhibaato ka dhalato.

Dowladda Jabuuti ayaa dalkeeda ka ceyrisay Shirkadda DP World bishii February ee sanadkii 2018-kii kadib muran soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2012-kii iyada oo Shirkaddu ay ku tilmaantay go’aankaan mid aan sharciga waafaqsanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here