Dowladda Soomaaliya oo ka digtay Roobab dabeylo wata oo ku soo wajahan Soomaaliya

0
419

Dowladda Soomaaliya oo ka digtay Roobab dabeylo wata oo ku soo wajahan Soomaaliya

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay roobab dabeylo wata oo ku soo wajahan qeybo ka mid ah gobolada dalka.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaalagu sheegay in dabeylaha la filan karo inay dhacaan saacadaha soo socda, si gaar ah gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Meelaha laga cabsi qabo in dabeylahan saameeyaan ayaa waxaa ka mid ah deegaanada xeebta dhaca ee Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose, waxaana loogu baaqay dadka ku dhaqan deegaanada xeebaha iyo kalluumeysata doomaha isticmaala inay ka feejignaadaan.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here