Dowladda Poland oo ciidan dheeraad ah geysay Xadka Belarus.

0
88

Dowladda Poland ayaa ciidamo gaaraya 4,000 oo askari u dirtay Xadka ay la wadaagto Waddanka Belarus si ay ugu hortagaan daandaansiga dhanka Hawada ee labadaan dal ay wadaagaan & kahortagga Tahriibayaasha lagu xakameyn waayay Siliga lagu xiray xuduudda.

Xukuumadda Warsaw ay sheegtay in ay diyaarisay ciidamo kale oo gaaraya 6,000 oo keyd ah heegan ah la geliyay si ay u awoodaan caawinta ciidamadaas xadka la geeyay haddii ay dareemaan ama la kulmaan culeys ka badan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Poland ayaa Belarus ku eedeysay in ay martigelisay Kooxaha Calooshood u shaqeystayaasha ah ee Ruushka ka aasaasan isla markaana ay fadhi muhiim ah u noqotay dhanka Xukuumadda Moscow.

Qodob kale ee miiska saaran waa in soogalooti badan ay kasoo gudbeen dhinaca Soohdinta si ay dadkaas isaga kala tallaabaan waddamada kale ee Qaaradda Yurub oo ay u arkayaan in ay ku helayaan nolol uga wanaagsan midda dalkooda Hooyo.

Xukuumadda Minsk waxaa saaran culeys dhinacyo kala duwan uga imaanaya iyada oo ciqaabtaas adag u mareyso sabab la xiriirta in ay xiriir dhan weliba ah ay la leedahay Waddanka Ruushka oo Dalal badan ka noqday ‘Tuke cambaar leh’.

Waxaa lacag cabsi qabaa in ay isku dhacaan Ciidamada Poland iyo Belarus maadaama ay is horfadhiyaan iyaga oo sameynaya dhaqdhaqaaq kala duwan, Warsaw ayaa isku haleeneysa ku tiirsanaanta Isbaheysiga ay katirsan tahay ee NATO halka Minsk garab ka heysato Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here