Dowladda Pakistan oo diiday in Xabsiga lagu booqdo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaas Imran Khan.

0
88

Maamulka xabsiga uu ku xiran yahay Ra’isul Wasaarihii hore ee Pakistan ayaa Talaadadii si lama filaan ah muddo laba toddobaad ah u mamnuucay dhammaan shirarka iyo booqashooyinka Imran Khan oo xabsiga la dhigay sababo la xiriira “digniinta amniga”, taasoo keentay canaan xooggan oo uga timid xisbigiisa iyo lataliyayaashiisa sharciga.

Hogaamiyihii hore ee Pakistan oo 71 sano jir ah ayaa xabsi dheer ku qaadanaya Rawalpindi, oo ah magaalo aad loo ilaaliyo oo deris la ah caasimada Islamabad.

Khan ayaa lagu helay dambi ah inuu ku kacay fal dambiyeed faafin sir qaran iyo guur qarsoodi ah, intii uu xafiiska joogay maalmo uun ka hor doorashadii guud ee bishii hore, isaga oo diiday eedeymahas, sheegayna inuu yahay dhibbane siyaasadeed.

Xisbigiisa, Pakistan Tehreek-e-Insaf, ayaa cambaareeyay “mamnuucida guud” ee Talaadadii sida lama filaanka ahayd ee lagu saaray booqashada Khan oo ay ku tilmaameen sharci-darro aan dastuuri aheyn, waxayna dalbadeen in si degdeg ah meesha looga saaro mamnuucistaas.

“Markii aynu saaka nimid xabsiga, si aan kulan caadi ula yeelanno Mr Khan si waafaqsan awaamiirta Maxkamadda Sare, si lama filaan ah, ayaa nalooga hor istaagay inaan aragno, waxaana naloo sheegay inay jiraan xayiraado la saaray shirarka noocan oo kale ah muddo laba toddobaad ah” ayuu yiri Ku-simaha guddoomiyaha xisbiga PTI. Gohar Ali oo shir jaraa’id ku qabtay Islamabad.

Xarunta xabsigan ayaa sidoo kale waxaa ku jira hogaamiyayaal sare oo kale oo ka tirsan xisbiga PTI, kuwas oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Pakistan, Shah Mehmood Qureshi.

Khan, ayaa xilka laga xayuubiyay sannadkii 2022 kadib markii uu baarlamaanku kalsoonida lagala noqday, waxaana tan iyo markaas uu la kulmay caqabado badan oo dhanka sharciga ah. Wuxu dafiray khaladka lagu eedeeyay, wuxuuna ku eedeeyay militariga Pakistan ee awooda badan inay ka danbeeyeen dacwad oogista iyo eedaymaha kale ee madaniga iyo dambiyada.

Milateriga ayaa inkiray eedeymaha ay ku faragelinayaan arrimaha siyaasadda Pakistan.

Isha: VOA SOMALI